DHAGEYSO Golaha imtixaanada ee KNEC oo warbixin soo saaray

Golaha qaran ee imtixaanada ee KNEC ayaa maanta soo bandhigay warbixin la xariirta imtixaanadii ardayda ay u fariisteen sanadkii 2017-kii.
Gudoomiyaha golaha KNEC Prof. George Magoha ayaa sheegay in qaar ka mid ah ardaydii imtixaanada sameeyay ay qoreen jawaab sax ah kadibna ay tireen markii loo sheegay mid kale oo qalad ahayd.
Waxaa uu sido kale carabka ku dhuftay in xiligii la sameynayay imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ay jireen dhacdooyin la xariira qishka oo la soo tabiyay hasa ahaate sida uu hadalka u dhigay lala tacaalay markii warqadaha la saxayay.
Prof. Magoha ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay in sanadkii tagay 64 xarumood oo imtixaanada lagu sameeyay ay ka jireen kiisaska wax isdaba marinta.
Waxaa uu sido kale sheegay in 54 ka mid ah xarumahaasi baaritaanada lagu sameeyay la soo gabagabeeyay ka hor 20-kii bishii Disembar ee sanadkii aan ka soo gudubnay.
Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahday mudo dheeraad ah oo lagu soo gabagabeyn karo baaritaanada la xariira 10 xarumood oo ay imtixaanada ka sameyeen arday dhan 1,727.
Waxaa waxba kama jiraan laga soo qaaday natiijadii 1,205 arday oo imtixaanada ka sameeyay 9 ka mid ah tobanka xarumood ee qishka lagu eedeyay.

Hasa ahaate gudoomiyaha KNEC aya sheegay in ardaydaasi ay fursad u heystaan inay mar kale imtixaanada u fariistaan
Golaha KNEC ayaa Kenyaanka u xaqiijiyay in sanadkii la soo dhaafay aanan la helin warqadaha rasmiga ah ee ay ku qornayeen su’aalaha imtixaanka ee maadooyinkii loo fariistay.
Prof. Magoha oo faahfaahin ka bixinaya 10 dugsi oo natiijadooda wax isdaba marin awgeed aanan la soo saarin ayaa yidhi

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *