Kooxda Arsenal oo ku dhawaanaysa saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang

Xiddiga xulka qaranka Gabon ayaa la rumeysan yahay inay Gunners u dooratay bedelka rasmiga ah ee Alexis Sanchez, kaasoo haatan The Telegraph ay warinayso inuu ogolaaday heshiis afar sanadood iyo bar ah oo uu ugu biirayo kooxda Manchester United.
Sida uu warinayso Wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka, Aabaha dhalay Weeraryahankan, sidoo kalena ah Wakiilkiisa ayaa u soo duulay Caasimadda Ingiriiska si uu wadahadallo rasmi ah oo ku saabsan heshiiska xiddiga ula qaato Madaxda kooxda Arsenal.
Aubameyang ayaan ku jirin oo laga saaray shaxda kooxda Dortmund labo jeer xilli ciyaareedkan sababo lagu sheegay anshax celin ama edbin, laakiin taasi uma muuqato inuusan iska daayey saxiixiisa tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger.
28-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay xilli ciyaareedkaan, isagoo dhaliyay 21 gool 23 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *