Mid ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha oo geeriyooday

Waxaa magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ku geeriyooday Ken Wafula oo ka mid ahaa shaqsiyaadka si weyn ugu ololeeya xuquuqul aadanaha.
Qoyska Mr. Wafula ayaa xaqiijiyay inuu dhintay xili lagu daweynayay isbitaalka St Luke maadama in mudo ah uu qabay xanuunka dhiig karka
Mr.Wafula ayaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay kiisaskii la geeyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ee la xariiray rabshadihii dalka ka dhacay 2007-di iyo horraantii 2008-dii.
Waxaa uu ka mid ahaa agaasimayaasha xarunta xuquuqul aadanaha iyo dimuqaradiyada ee CHRD.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *