Ra’yi aruurin lagu ogaaday in hannaanka dimuqaradiyadeed ee dallka uu hoos u dhacay

Hay’ad aanan dowli ahayn oo fadhigeedu uu yahay magaalada Washington ee Maraykanka ayaa ra’yi arurin ay sameysay ku sheegtay inay hoos u dhacday tixgelinta loo hayo xuquuqda dimuqaradiyadeed ee gudaha dalka.
Warbixin laga soo saaray darasaadka ay sameysay hay’addan oo lagu magacaabo Freedom House ayaa lagu xusay in sanadkii hore dalka ay ka dhaceen rabshado siyaasad salka ku haya.
Sido kale waxaa laga dhawajiyay in tallabadii hogaamiyaha urur weynaha mucaaradka Nasa Raila Odinga uu isaga haray doorashadii madaxtinimo ee ku celiska ahayd ay saameyn ku yeelatay kalsoonida lagu qabi karo guushii Uhuru Kenyatta.
Hay’addan ayaa ka dhawajisay in Kenya markii la eego ilaalinta xuquuqda dimuqaradiyaddeed ee aas-aasiga ah lagu qiyaasayo boqolkiba 48 halka sanad ka hor tiradaasi lagu sheegay boqolkiba 51.
Kenya ayaa ka mid noqotay 58 wadan oo lagu tilmaamay inay ka jirto xuriyad aanan dhameystirneyn.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *