Warbaahinta Somalia oo looga digay inay baahiyaan wararka AL-shabab ay ku qoraan barahooda bulshada.

Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Fedraalka Soomaaliya ayaa Warbaahinta madaxa banana uga digtay iney faafiyaan Wararka Al-Shabaab ay ku baahiyaan barahooda gaarka ah ee Internet-ka.
Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in Warbaahinta looga baahan yahay iney aad uga feejignaadaan wararka ay baahinayaan loona baahan yahay in mar walbo ay la soo xiriiraan Wasaaradda amniga ee dowlada Somalia.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim (C/Casiis Xildhibaan) oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa qalad ku tilmaamay in si toos ah loo baahiyo wararka Al-Shabaab oo uu sheegay in qaarkood ay suura gal tahay inay been abuur yihiin.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay Wasaaraddu diyaar u tahay in Warbaahinta ay kala shaqeyso xaqiijinta wararka qaar oo ay baahinayaan si looga hortago wararka aan xaqiiqada ahayn ee qalqalka galin kara amaanka iyo kalsoonida bulshada.
Hadalka wasaarada amiga gudaha ee dowlada Somalia ayaa ku soo beegmaya xili Qaar ka mid ah Warbaahinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay baahiyeen codka Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka hadlaayay khilaafka u dhaxeeyay Abuu Mansuur iyo Shabaab, iyo sababihii keenay isku dhacooda.
Dhanka kale (C/Casiis Xildhibaan) Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka ee dowlada si loo sugo amaankooda iyo badqabka hantidooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *