Wadamada Afrika oo laga doonayo inay maalgelin ballaran ku sameyaan kaabayaasha dhaqaale
Warbixin uu soo saaray bangiga hormarka ee Afrika ayaa lagu sheegay in sanadkii hore dhaqaalaha qaaradan uu sara u kacay.
Waxaa lagu soo jeediyay in wadamada Afrika looga baahanyahay inay maalgelin xooggan ay geliyaan kaabayasha dhaqaale.
Kobaca dhaqaale ee Afrika ayaa sanadkii tagay noqday boqolkiba 3.6 halka sanadkii ka sii horeeyay uu ahaa boqolkiba 2.2.
Waxay saadaashu tahay in labada sano ee soo socdo dhaqaalaha Afrika uu kordhaya boqolkiba 4.1.
Bariga Afrika marka la eego kobaca dhaqaale ayaa gaaray boqolkiba 4.9 in kastoo guud ahaan qaarada ay ka jirto caqabad dhanka shaqa aburuka ah oo lagu qiyaasaya boqolkiba 1.4 .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *