DHAGEYSO Wasiirka warshadeynta oo sheegay in la cirib tirayo badeecadaha kontarabaanka ah

Wasiirka wasaarada warshadeynta iyo ganacsiga Aadan Maxamad ayaa ka dhawajiyay in dowlada aysan marnaba ka daali doonin dagaalka lagula jiro badeecooyinka sharci darada ah.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in sanado badan dowlada ay ku dadaleysay in meesha laga saaro waxyaabaha kontarabaanka ah ee dalka la soo geliyo.
Mr.Maxamad ayaa ballanqaaday in sara loo sii qaadaya hawlgalada lagu xaqiijinayo in waxyaabaha dalka la soo geliyo ay tayadoodu tahay mid wanaagsan.
Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan konteeynarada yaala dekada Mombasa baaritaano lagu sameyn doono

Waxyaabaha dowlada ay ku dadaleyso in wax laga qabto ayaa waxaa ka mid ah dawooyinka kontarabaanka ah .
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo warbixin ay soo saartay hay’adda caafimaadka ee WHO lagu sheegay in sanad kasta qaarada Afrika isticmaalka dawooyinka been abuurka ah ay ku dhintaan 100,000 oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *