52 qof oo ku dhimatay dab bas ku qabsaday dalka Kazakhstan

Ugu yaraan 52 qof oo rakaab ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dalka Kazakhstan kadib markii baskii ay saarnayeen uu dab qabsaday.
Wasaarada qaabilsan adeegyada degdega ah ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhacdadaasi laga soo tabiyay waqooyiga bari ee Kazakhstan.
Bayaaanka wasaarada ayaa waxaa qeyb ka ah in baska ay saarnayeen 55 rakaab ah iyo laba darawaliin ah ka hor inta uusan dabku qabsan saacadu markii ay ahayd 10-kii iyo barka barqanimo .
Wasaarada ayaanan faahfaahin ka bixin dhacdadaasi hasa ahaate waxay sheegtay in 5 qof ay heleen gargaar caafimaad.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *