Andy Carroll oo diiday inuu la tababarto kooxdiisa!

Weeraryahanka kooxda West Ham United Andy Carroll ayaa diiday inuu tababarka la qaato kooxdiisa.
29-sano jirkaan ayaa ku andacooday inuu qabo dhaawac dhanka canqowga ah, balse markii tijaabo caafimaad la mariyey ayaa shaaca laga qaaday inuusan wax dhibaato ah qabin!.
Andy Carroll ayaa si weyn loola xiriirinayey bishaan inuu u dhaqaaqi doono kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Chelsea, kuwaasoo raba inay xiddiga ku qaataan amaah.
David Moyes ayaa sheegay inaysan jirin wax xiriir ah oo ay Chelsea kala soo samaysay sidii ay kula wareegi lahayd xiddiga bartilmaameedka u ah.
Andy Carroll ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda West Ham waxaa uga harsan 18 bilood hasa ahaate waxaa uu doonaya inuu isga tago West Ham.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *