DHAGEYSO Akadhamiyada Somalia oo u diyaar garoobaysa xuska afka somaliga

Xarunta Akadeemiyada, Cilmiga, Dhaqanka Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay diyaar garoow ballaaran ugu jiraan xuska maalinta qorista Afka Somalia oo ku began 21 –ka bisha Janayo.
Gudoomiyaha Akadeemiyada afka Somalia C/qaadir Nuur Xuseen oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Akameemiyadda ay wadaan qaban-qaabada xuska maalinta qorista Afka hooyo, isagoo intaasi raaciyay in Akadeemiyadda ay kaalin wax ku ool ah ka qaadatay hirgelinta iyo erey bixinta qoraalka farta Soomaaliga.

Qoraaalka afka somaliga oo xiligii la bilaabay hada ay ka soo wareegtay 45 sanadood ayaa markale kudhawaad 30 sano wuxuu ahaa mid u muuqday inuu meesha ka sii baxayo maadaama aysan jirin dowlad ilaalinaysan sidoo kale dadka Somalida ah ay wadamo kale galeen taaso sahashay inay lumiyaan afkoodii hooyo sidoo kalena ay qaataan afaf qalaad oo wadamo kale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *