DHAGEYSO Dowlada oo qiimaha lagu iibin karo booshada ka dhigtay 115 shilin

Dowlada dhexe ayaa shaaca ka qaaday in booshada aanan lagu iibin Karin qiimo ka badan 115 shilin iyadoo digniin u jeedisay ganacsatada ay suura gal tahay inaysan amarkaasi u hogaansamin.
Wasiirka wasaarada beeraha Willy Bett ayaa ka dhawajiyay in dowlada ay 90-kii kiila ee booshada ku soo iibsaneyso 3,200 oo shilinka dalka ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in ganacsatada qaar qiimaha ay ku soo iibsanayaan uu yahay 2,700 sidaas awgeed aanan loo baahneyn inay macaamiisha uga iibiyaan qiimo sare.
Mr. Bett ayaa sido kale xusay in lala tacaalay qiimaha galeyda oo uu sara u kac ku yimid .
Wasiirka ayaa xusay in xita iyadoo ganacsatada ay faaido raadinayaan qiimaha lagu iibinayo labadii kiila ee booshada uusan ka badan Karin 150 shilin.
Xamud Maxamad Cusman waa ganacsade ismaamulka Kajiado ku leh warshad soo saarto booshada waxaa uuna mar idaacada star fm ay halkaasi booqatay dareenkiisa sidatan u muujiyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *