Dhismaha Dekeda magaalada Baraawe oo la bilaabay.

Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa bilaabay dhismaha Dakada iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, si loo wanaajiyo adeegyada muhiimka ah ee magaalo madaxda maamulkaas maadaama hada ay xarun KMG gaar ah u tahay magaalada Baydhabo.
Shalay waxaa Magaalada Baraawe gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi C/qaadir Shariif Sheekhuna, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha isla Maamulkaasi.
Xubnahaan ayaa qiimeyn iyo indha indheyn ku sameeynayay hanaanka dhismaha dakadda Magaalada Baraawe, waxaana durba shalay la arkaayay, iyadoo la bilaabay dhismaha madaarka diyaaaradaha ee magaaladaasi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Madoobe Nuunow, ayaa sheegay inay ahmiyad wayn siinayaan dhismaha dakadda Magaalada Baraawe, si shacabka Koonfur Galbeed ay ugu fududaato howlahooda muhiimka ah.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ujeedka ay Baraawe u tageen tahay qiimeynta dhismaha Garoonka iyo Dakadda Magaalada Baraawe.
Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaanan laheyn Dakad rasmi ah waxayna hada ku tiirsan yihiin dakadda Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *