Halkuu ayuu uga jira xulkeena Somalia kala sareynta FIFA

Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa maanta soo saaray qiimeynta Billaha ee xulalka Adduunka, iyadoo uu xulka Jarmalku ku jiro kaalinta 1-aad oo uu hoggaanka u hayo xulalka kubadda cagta Dunida.
Xulka Brazil ayaa kaalinta labaad ka galay qiimeyntan, inkastoo bilo hore uu haystay kaalinta koowaad, laakiin Jarmalka ayaa ka qabsaday kaalinta hore.
Portugal ayaa booska saddexdaan kasoo muuqday, halka xulka uu hoggaamiyo Lionel Messi ee Argentina oo soo galay kaalinta afaraad.
Belgium ayaa ku jira kaalinta shanaad, Spain ayaa kaalinta lixaad deggan, Poland ayaa ka soo muuqday kaalinta 7-aad, halka Switzerland uu fadhiyo kaalinta 8-aad.
Xulalka France iyo Chile ayaana dhammeystiraya liiska tobanka sare ee qiimeynta xulalka kubadda cagta Adduunka.
Dhanka kale Xulkeenna Soomaaliya ayaa isagu sida caadada ah fadhiya halka ugu hooseysa ee qiimeynta FIFA waxa ayna ku jiraan kaalinta 206 oo waxaa ka dambeeya uun xulka Tonga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *