Madaxweynaha Somalia oo bogaadiyay dhalinyarada iyo culumada gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo wada tashi ah kula qaadanaya magaalada Dhuusamareeb qeybaha bulshada wuxuuna ku ammaanay culumada iyo dhallinyarada Gobalka Galguduud dadaalkooda ku aadan nabadaynta iyo dib u heshiisiinta bulshada gobolkaasi
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin qorsheyaasha hormarineed ee dowladda, gaar ahaan dib u heshiisiinta, loogana baahanyahay inay ka soo muuqdaan kaalintooda maadama ay in ka badan 70% bulshada Somaliyeed dhalinyaro yihiin.
Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalintooda ku aaddan wacyigelinta bulshada isagoo ku ammaanay sida ay naf iyo maalba ugu hureen in laga cirib tiro deegaannadan gobolada dhexe ee dalka Somalia dagaalyahanada Al Shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo maalintii saddexaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa wada dadaallo ku aaddan dardargelinta dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Galmudug.
Shirweynaha lagu dhamaystirayo heshiiskii maamulka galmudug iyo Ahlusuna ay kusoo wada gaareen dalka Jabuuti ugu danbayna ay ku saxiixeen magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu maanta halkaas ka furmo ayadoo dhuusamareeb ay ku sugan yihiin masuuliyiin kala duwan sida Madaxweynaha Somalia,madaxweyneyaasha maamulada Puntland,Koofurgalbeed,Hirshabeela,galmudug oo martida loo yahay,gudoomiyaha gobolka Banaadir,xildhibaano,xubno ka tirsan golaha wasiirada Somalia,wafuud ka socota urur goboleedka IGAD,waxgaradka gobolka iyo qaybaha bulshada.
Dhanka kale Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Cadaado, iyagoo ka baxay magaalada Dhuusa-mareeb, waxayna halkaas u tageen sidii ay kulamo xal loogu raadinayo tabashada waxgaradka cadaado ula soo qaadan lahaayeen odayaasha deegaankaas.
Wararku waxay sheegayaan in Mudaneyaashaasi ay xalay isku dayeen inay la kulmaan Odayaasha Cadaado, balse aysan u suuragelin sidoo kalena uu qorshuhu yahay in kulankaas uu maanta dhaco.
Waxyaabaha ay ka cabanayaan waxgaradka magaalada Cadaado ayaa waxaa ka mid ah inay sheegayaan in lagu xadgudbay qodobo ka mid ah Dastuurka maamulkaas iyo sidoo kale in maamulku ka soo guuro magalaada cadaado ee horay xarunta KMG ugu ahayd.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *