Man United oo wadahadallo heshiis kordhin ah la bilowday De Gea

Manchester United ayaa wadahadallo heshiis kordhin ah la bilawday goolhayaheeda David de Gea si ay uga horjoogsato inuu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid oo si weyn u loola xiriirinaayo.
De Gea ayaa heshiiskiisa waxa uu ka dhacayaa dhammaadka kal ciyareedkan, inkastoo uu dooq u haysto inuu qandaraaskiisa sanad kale oo dheeri ah ku daro.
27-sano jirkaan ayaa waqti dheer bartilmaameed u ahaa kooxda Real Madrid, sanadkii 2015-kii ayuu sheegay inuu u dhaqaaqayo Caasimadda Spain.
Real Madrid Madrid ayasan weli ka bixin xiisaha ay u qabto saxiixa goolhayahan De Gea, waxaana la sheegay inay ku doonayso 62 milyan oo gini xagaaga soo socda.
Wargeyska Telegraph ayaa qoray in wadahadallo horudhac ah ay Man United haatan kula jirto goolhayihii hore ee kooxda Atletico Madrid.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *