Waaxda adeega duurjoogta oo loo qabtay laba maalmood oo maroodiga ay uga saari karto ismaamulka Kajiado

Gudoomiyaha ismaamulka Kajiado Joseph Ole Lenku ayaa waaxda duurjoogta dalka ee KWS u qabtay laba maalmood oo ay maroodiga aanan la xakameynin uga saarayaan dowlad degaankaasi.
Waxaa uu ka dhawajiyay in xayawaankan uu burbur u geysto beeraha dadka halkasi ku nool.
Mr. Ole Lenku ayaa ka dhawajiyay in dadweynaha ay maroodiga iska difaacayaan haddi aanan wax laga qaban.
Gudoomiyaha ayaa hoosta la xariiqay in sarakiisha KWS laga doonayo in mardooga iyo xayawaanka kale ay geyaan goobaha loogu talagalay.
Waxaa mararka qaar la soo tabiyaa isku dhacyo u dhexeya duurjoogta iyo bulshada ku nool degaanada kala duwan ee dalka gaar ahaan beeraleydda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *