Ururka qaran ee dhaqatiirta oo ku goodiyay shaqa joojin

Ururka qaran ee ay ku bahoobeen dhaqaatiirta dalka ee magiciisu loo soo gaabiyo KMPDU ayaa ku goodiyay inuu shaqa joojin ku dhaqaaqayo maadama jaamacadaha iyo machadyada kala duwan ee dalka aysan barayaasha dhigo culuunta caafimaadka siinin lacagaha gunooyinka ah.
Xoghayaha guud ee ururkan Ouma Oluga ayaa ka dhawajiyay in lacagtaasi aanan barayaasha la siin mudo hal sano ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in 1-dii bishii janaayo ee sanadkii tagay la saxiixday heshiis arrinkaasi la xariira hasa ahaate ilaa iyo hada aanan la dhaqangelinin waxyaabihii la isku afgartay.
Dr.Oluga ayaa hoosta ka xariiqay in ugu yaraan 600 oo ah barayaasha jaamacadaha ka dhigo culuunta caafimaadka aanan gunooyin la siin sanadkii la soo dhaafay.
Barayaasha oo taqasus gaar ah u leh xanuunada kala duwan ayaa sido kale ka hawlgalo isbitaalada waweyn ee Kenyatta, Nairobi , Kiambu, Nakuru iyo Jaramogi Oginga Odinga
Xoghayaha ayaa sheegay in wasaradaha waxbarashada iyo mida caafimaadka ay u qabanayaan ilaa iyo 31-da bishan Janaayo hadii kale ay bisha labaad shaqa joojin sameynayaan.
Sanadkii hore ayay ahayd markii shaqa joojin ay dhaqatiirta dalka ku jireen in ka badan seddex bilood ay saameyn weyn ku yeelatay bixinta adeegyada caafimaad ee dowliga ah.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *