Madaxweynhi hore ee Nageria oo kulamo la qaatay NASA

Madaxweynihii hore ee wadanka Nigerian Olusegun Obasanjo oo ku sugan dalka ayaa laga yaaba inuu Kenya isaga boxo isago oo aanan la kulmin madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta.
Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada dalka Manoah Esipisu ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynihi hore ee wadanka Nageria aan wax codsi ah u soo gudbisan madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta si ay u wada kulmaan.
Madaxweynihi hore ee Nageria Olusegun Obasanjo ayaa kulamo la qaatay isbaheeysiga garabka mucaaradka ee dalka.
Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Olusegun Obasanjo uu doonayo in uu la kulmo madaxweynaha dalka iyo ku xigeenkiisa William Ruto inta uusan dalka ka bixin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *