Xisbiga Jublee oo taagerayaa musharaxa xisbiga Wiper Edith Nyenze doorashada ka dhici doonto galbeedka Kitui

Xisbiga talada dalka haya ee Jublee ayaa sheegay inuu taageri doono mushraxa xisbiga Wiper Edith Nyenze oo u sharaxan xilka xildhibaanimada ee galbeedka  Kitui.
Xoghaya guud ee xisbiga Jublee Raphael Tuju ayaa sheegay in xisbiga hogaanka dalka hayo uu taagero weyn siin doono Edith Nyenze oo ka tirsan xisbiga Wiper.
Mr Raphael Tuju ayaa sheegay in qorashaha lagu taagerayo Edith Nyenze uu xisbiga Jublee isla meel dhigay shalay oo jimco ahayd.
Kursiga xilka xildhibaananimada ee galbeedka deegaanka Kitui ayaa banaanadey ka dib markii uu geeriyooday Francis Nyenze oo xilkaasi haayay.
Doorashada galbeedka deegaanka Kitui ayaa la filayaa in la qabto 16-ka bisha Marso ee sanadkan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *