Xubnaha Aqalka sare ee Mareykanka oo daaqada ka tuuray miisaaniyada xukuumadda

Dowladda Mareykanka ayaa wajaheysa inay shaqeyn waayaan dhammaan laamaheeda federaalka kaddib markii ay senetarada waddankaasi ku guuldareysteen inay isku afgartaan miisaaniyada cusub.
Ma caddeyn halka uu codku u badan doono, maadaama muddada kama dambeysta ah ay ku ek tahay saqda dhexe ee xiliga waqtiga Mareykanka, iyada oo xubnaha xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqaraadiga ay ku kala qeybsameen arrimo muhiim ah.
Inkasta oo daqiiqadii ugu damebysay ay dhaceen kulama ay yeelanayeen labada dhinac, haddana miisaaniyada lagu maalgalinayo howlaha xukuumadda ilaa 16-ka bisha Febraayo ayaanan helin codadkii loo baahnaa ee 60-ka ahaa.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aqalka Cad ku casuumay hoggaamiyaha senetarada xisbiga Dimoqaraadiga Chuck Schumer intii ay socdeen wadahadaladda miisaaniyada balse waxa ay ku guuldareysteen inay xal isla gaaraan
Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka Mike pence ayaa u ambabaxay bariga dhexe iyadoo aan la meel marinim miisaaniyadda dalka Mareykanka.
Booqashada afarta maalin ee Mr Pence ayaa horay loo baajiyay laba jeer oo hore kadib markii ay caro ka dhalatay go’aanka Madaxweyne Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Mr Pence uu madaxda dalalka Masar iyo Urdun uu kala hadli doona arrimaha ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixiada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *