6 qof oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Kabul

Weerar galinkii dambe ee shalay rag hubeysan ay ku qadeen maqaaxida Intercontinental ee ku taalo caasimada Afghanistan ee Kabul ayaa waxaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen 6 qof halka tiro dhowr ah oo aanan shaaca laga qaadin ay ku dhinteen.
Dablyeda ayaa gudaha u galay maqaaxida waxayna halkaasi rasaas isku weydaarsadeen sarakiisha amaanka.
Wararka ayaa intaasi ku daray in sido kale dhismahaasi uu dab ka kacay halkaasi oo ay isaga carareen dadkii deganaa iyo shaqaalihii ka howlgalayay.
Maamulaha maqaaxidaasi Axmad Xaris Nayab ayaa sheegay in raga hubeysnaa ay ka soo galeen dhanaka jikada.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi.
Laamaha amaanka ee Afghanistan ayaa dhankoodu sheegaya in la xoojiyay amniga magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *