Arsenal oo dooneysay Luke Shaw

Kooxda Arsenal ayaa la ogaaday in Alexis Sanchez heshiiska uu Old Trafford ku aaday inay rabtay cayaaryahan aan Henrikh Mkhitaryan ahayn.

The Sun ayaa cadeesay in Luke Shaw ay Arsenal dalbatay heshiiska Sanchez inuu qayb ka noqdo balse Man United ayaa ku gacan seertay dalabka Arsenal una sheegtay in Shaw uusan meelna u soconin.

Macalin Arsene Wenger ayaa taageero u ah Luke Shaw wuxuuna u balan qaaday boos joogto ah dhanka garabka bidix balse United ayaa qorshahan hor istaagtay.

Sidaa darteed Henrikh Mkhitaryan ayaa lagu qasbay inuu qayb ka noqdo heshiiska Sanchez Old Trafford kusoo aaday oo caawo lasoo gaba gabeyn doono.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *