Dab ka kacay xaafad ku taalo Kisumu oo burburiyay 30 dukaamo ah

Waxaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay in 30 dukaan ay ku burbureen dab habeen hore ka kacay xaafada Obunga ee ku taalo ismaamulka Kisumu.
Dhacdadaasi ayaa loo aaneynaa in burjiko looga tagay mid ka mid ah maqaaxiyadaha halkasi ku yaalo.
Taliyaha saldhiga booliska ee Kisumu John Kamau ayaa ka dhawajiyay inay laamaha amaanka bilabeen baaritaano la xariira dabkaasi khasaaraha dhaliyay.
Waxaa uu carabka ku dhuftay inaysan jirin cid uu dhaawac ka soo gaaray.
Dabka ayaa qabsaday dukaamo, hoteelo , goobaha dumarka lagu qurxiyo iyo xarumaha intarneetka.
Khasaaraha hantiyeed ee soo gaaray ganacsatada Kisumu ayaa lagu qiyaasayaa 5 milyan oo shilinka dalka ah.
Ms Nancy Akoth oo ka mid ah dadkii ay soo gaartay khasaaro hantiyeed ayaa sheegtay inay isku dayeen in dabka ay damiyaan hasa ahaate aysan u suuragelin.
Sarakiisha dab damiska oo goobta yimid ayaa dadaal dheer kadib ku guuleystay inay dabkaasi damiyaan.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii haweeney ay ku gubatay goobta loo yaqaano Bandani ee ismamuulkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *