DEG DEG Madaxweynaha soomaaliya oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Ku Xigeennadiisa

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Ku Xigeennadiisa.
Wareegtada ayaa u qorneyd sidatan
Madaxweynaha Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;
Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;
Madaxweyaha waxaa uu Cabdiraxmaan CumarCismaan injineer Yarisow u magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;
Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad eeAmniga iyo Siyaasada;
Xussein Maxamad Nur waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka&Maaliyada;
Marwo Basma Cumar Axmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta
Aadan Sherkh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka HowlahaGuud
Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaaq Xuseen

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *