Dibadbaxyo looga soo horjeedo musuqmaasuqa oo ka dhacay Romaniya

Tobanaan kun oo ka mid ah shacabka dalka Romaniya ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Bucharest iyagoo muujinaya sida ay uga xunyihiin musuqmaasuqa.
Mudaaharaadyada aya la qorsheeyay shalay halka maanta ciidamo dheeraad ah la keenay wadooyinka si ay ula tacalaan.
Arrintan ayaa timid kadib markii bishii la soo dhaafay xisbiga talada haya ee PSD uu meel mariyay sharci hor leh oo loo arkay inuu adkeynaya in dacwad lagu soo oogo dadka lagu eedeyo inay wax isdaba marin sameyeen.
Hasa ahaate madaxweyne Klaus Iohannis ayaanan weli sharcigaasi qalinka ku duugin.
Qiyaastii 50,000 oo qof ayaa socdaal ku maray goobta loo yaqaano University square ilaa iyo dhismaha baarlamaanka.
Sido kale dibadbaxyo ayaa laga soo tabiyay magaalooyinka kala ah Cluj, Timisoara, Constanta, Bacau, Sibiu iyo Iasi.
Midowga Yurub ayaa dowlada Romaniya ugu baaqay inay dadaalkeeda sii laba jibaarto oo ay wax ka qabato musuqa ay sameyaan sarakiisha haya xilalka sar sare.
Golaha la dagaalanka musuqmaasuqa ee Midowga Yurub ayaa tan iyo sanadii 2006-kii musuqmaasuqa la xariiriyay in ka badan 90 sarkaal oo horay dalka Romaniya uga soo noqday wasiiro , ku xigeenadooda iyo senetaro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *