Hay’adda qaxootiga ee Falastiin oo bilowday olole ay ku raadineyso deeq lacageed

Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa xariga ka jartay barnaamij caalami ah oo ay uga gol leedahay in lacag aruurin loogu sameeyo kadib markii dhawaan Maraykanka uu dhimay lacagihii uu ku tageeri jiray.
Dowlada Maraykanka ayaa dhawaan sheegtay inay dhimeyso 65 milyan oo doolar oo qeyb ka ahayd 125 milyan oo doolar oo hay’addan ay ku tageeri jirtay.
Ololahan ayaa loogu magacdaray in sharafto aysan lahayn qiimo lagu qeexi karo.
Waxaa ay ujeedadu tahay in la helo deeq bixiyaal caalami ah.
Hay’addan UNRWA ayaa u adeegto 5.3 milyan oo ah qaxootiga Falastiin.
Waxay ka hawlgashaa wadamo ay ka mid yihiin Jordan, Lebanon iyo Suuriya.
Dowlada Belgium ayaa dhawaan 19 milyan oo yuuro oo u dhiganta 23 milyan oo doolar ugu deeqday hay’addan kadib tallabada uu Maraykanku qaaday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *