Ku xigeenada gudoomiyaasha ismaamulada oo doonayo in waajibaadkoodu la caddeeyo

Kaddib markii maalmo ka hor uu sheegay inuu iscasilay gudoomiye ku xigeenkii ismaamulka Nairobi Polycarp IGathe ayaa waxaa hada arrinkaasi ka hadlay ku xigeenada hogaamiyaasha 47-da dowlad degaan ee dalka.
Waxa ay dalbanayaan in dastuurka wadanka laga isticmaalo uu si cad u qeexo waajibaadkooda si meesha looga saaro isqabqabsiga soo noqnoqdo.
Polycarp Igathe ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitarka ku sheegay inuu iscailay maadama gudoomiyaha Nairobi Mike Sonko uusan u muujin kalsooni ay ku sii wada shaqeyn karaan.
Dastuurka dalka ayaa dhigaya oo keliya in mas’uuliyiinta ay ku xigeeno yihiin hasa ahaate si cad looma qeexin go’aamada ay qaadan karaan inta ay xilkaasi hayaan.
Gudoomiye ku xigeenka Narok Evelyn Aruasa ayaa ka dhawajisay in markii sharciga uu dhigayo shaqadada waxay tahay inaad gudoomiyaha gacan ku siiso gudashada waajibaadkiisa taasina loo baahanyahay in faahfaahin la bixiyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *