Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay Xuska munaasabadda sannadguurada 44-aad ee maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.
Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Ururadda Warbaahinta sidda Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka soomaaliya, guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, madaxda NUSOJ, iyo Madaxda ururrada Saxaafadda Madaxa Banaan.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u hambalyay Suxufiyiinta iyo bahda Warfaafinta, sheegayna in ay muhiim tahay sidii looga faa’ideysan lahaa awoodda warbaahinta maanta.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa dhankiisa ka dhawajiyay in wasaaraddu ay ka go’an tahay horumarinta xirfadda suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wada shaqeyn xoog leh ay ka dhaxayso wasaaradaha dowlad gobolleedyada iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Dhinaca kale Heshiis saddex geesood ah oo u dhaxeeyey Wasaaradda Warfaafinta, Jaamacadda Ummadda iyo ururka NUSOJ ayaa lagu kala saxiixdey munsaabadda, kaas oo ku aaddan sare u qaadidda tayada Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Waxaa isla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan xarunta Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay maalinta Hirgelinta Akhriska iyo Qoraalka Afka soomaaliga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *