Madaxa fulinta ee isbitaalka KNH oo ka soo hormuqaneysa gudiga baarlamaanka ee caafimaadka

Madaxa fulinta ee isbitaalka qaran ee Kenyatta ee ku yaalo magaalada Nairobi Lilly Koros ayaa waxaa u yeeray gudiga baarlamaanka dalka u qaabilsan caafimaadka si su’aalo looga weydiiyo xadgudubyo la sheegay in loo geysto haweenka halkaas u doonto adeegyada caafimaadka.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa isa soo tarayay eedeymaha loo jeedinayo qaar ka mid ah shaqalaha isbitaalkan oo ku aadan inay faraxumeyn u geysanayaan haweenka.
Maalinta jimcada taarikhduna ay ku beegantahay 26-ka bishan janaayo ayay gudigaasi hor tegi doontaa.
Waxaa la yaab noqday wararka sheegaya in la faraxumeynaya hooyooyinka caruurta nuujinaya in kastoo baaritaano arrintaasi ku aadan la guda galay.
Ilaa iyo hada ma jirto cid si toos ah uga dhawajisay in dhibaato loo geystay.
Maamulka isbitaalka Kenyatta ayaa sheegay inaan loo soo gudbin cabasho arrintaasi ku aadan sidaas awgeedna ilaa iyo inta laga xaqiijinaya eedeymaha loo soo jeediyay aysan qaadan Karin mas’uuliyada xadgudub la sheegay in la geystay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *