Real Madrid dooneysa Emre Can

Cayaaryahan Emre Can qandaraaska uu Liverpool kula jiro ayaa sii dhamaanayo waxaana haatan kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixiisa naadiga Real Madrid.

Reds waxay ku guul dareesaneysaa Jarmalkan khadka dhexe ka cayaaro inay heshiis cusub ka saxiixdo sidoo kalena kooxaha Juventus iyo Man City ayaa baadi goob xoogan ugu jiraan.

Dan Ballon ayaa qortay in Real Madrid wada hadal bilaaw ah la yeelatay Emre Can wakiilkiisa ayadoo mushaar badan loo qaaday iyo door weyn inuu garoonka Bernabue ku yeesho.

Can oo 24-jir ah hada waa xidiga loogu doonista badan yahay qaarada Yurub madaama qandaraaskiisa sii dhamaanayo sidoo kalena hormar cayaareed oo heer sare ah uu sameenayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *