Wasiir ku xigeenka Warfaafinta soomaaliya oo xarigga ka jaray Warggeyska dalka ee dib u howlgelin lagu sameeyey

Munaasabad kooban oo xarigga looga jarayay Warggeyska Dalka oo dib u howlgelin lagu sameeyey ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska,waxaaan ka qeybgalay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ahna sii hayaha xilka Wasiirka Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis,Agaasimaha Guud ee Wasaardda iyo agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda qaarkood.
Agaasimaha guud ee Wasaaradad Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo ka hadlay xarig jarka ayaa sheegay in dib u howlgelinta Warggeyska uu wax weyn ka tari doono in bulshada Soomaaliyeed ay wax aqriyaan in badan si loo soo nooleeyo afka Hooyo ee Soomaaliga.
Waxaa uu xusay in Axad kasta uu soo bixi doono oo uu kamid yahay hay’adaha Warbaahineed ee Dowladda soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Warggeyska Dalka oo dib loo howlgeliyay.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirku in uu si weyn ugu faraxsan yahay dib u howlgelinta Warggeyska Dalka,isagoo bogaadiyay dardargelinta adeeggii uu u hayay bulshada Soomaaliyeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *