Ra’iisul wasaarihii hore ee soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo soo dhaweeyay gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo shalay ka qeyb galay Munaasabad lagu soo dhaweynayay gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir sido kalena ah duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Injineer Yariisow ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo masuulkan cusub ee la magacaabay.
Wuxuu sheegay Cali Maxamed Geeddi in Dastuuri uu yahay maqaamka Magaalada Muqdisho.
Cali Maxamed Geeddi ayaa ka dhawajiyay in dastuuri uu yahay maqaamka Magaalada Muqdisho, cidkasta oo Qaranka qabatana ay waajib ku tahay.
Kadib khilaaf soo kala dhexgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sababtay in xilka laga qaado Thaabit Cabdi Maxamed oo ahaa Duqa Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay xilka ka qaaday Thaabit Cabdi iyo ku xigeenadiisa, wuxuuna Guddoomiyaha cusub u magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan iyo ku xigeenadiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *