Turkiga oo dalbaday in NATO ay taageerto duulaankiisa ka dhanka ah Kurdiyiinta

Wakiilka Turkiga u fadhiya gaashaanbuurta NATO, Axmet Berat Çonkar, ayaa ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah isbahaysigaasi NATO inay waddankiisa ka taageeraan dagaalka dhulka ee cusub ee uu kula jiro Kooxda YPG ee Kurdiyiinta Suuriya.
Mr Çonkar ayaa sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisa looga baahan yahay inay dib u qiimeyn ku sameeyaan xubinnimadooda NATO haddii ay taageeri waayaan duulaanka Turkiga, oo uu ku tilmaamay mid sharci ah.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ciidamada Turkiga ay sheegayaan inay la waregeen 11 fariisimo ah oo ay lahayeen dagaalyahaanada YPG.
Sido kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Turkigu uu qabsaday tuulooyin dhowr ah oo hoos tago degmada Afrin ee wagooyiga galbeed ee Suuriya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *