Waaxda dambi barista ee dalka oo baaritaano ku sameynaysa eedeymaha loo soo jeediyay isbitaalka KNH

Waaxda dambi barista ee dalka ayaa sarakiil gaar ah u soo magacawday inay sameyaan baaritaano xeel dheer oo ku aadan eedeymaha faraxumeynta ee laga soo tabiyay isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaaladatani Nairobi.
Eedeymahaasi ayaa waxaa ka mid ah kufsi iyo dhibatooyin kale oo la sheegay in loo geysto haweenka halkaasi u tago inay helaan adeegyada caafimaadka.
Agaasimaha waaxda dambi barista ee dalka George Kinoti ayaa shalay gudoomiyay shir ay ka qeyb galeen ciidamada amaanka iyo maamulka isbitaalka KNH.
Waxaa kulankaasi diiradda lagu saarayay sidii loo sameyn lahaa baaritaano la guda galay 4-tii galabnimo ee shalay.
Mr Kinoti ayaa ka dhawajiyay in kooxda la soo magacaabay ay isugu jiraan khuburo leh taqasus gaar ah oo la xariira dambi barista.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu qudhiisa kormeer ku sameynaya sida baaritaanada loo wado.
Mr. Kinoti ayaa carabka ku dhuftay in eedeymaha loo soo jeediyay isbitaalka ay yihiin kuwo aanan la fududeysan Karin sidaas awgeedna la doonayo in go’aan kama dambeys ah laga gaaro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *