DHAGEYSO Wadayaasha mootooyinka oo walaac ka muujiyay amar ka soo baxay dowlada ismaamulka Nairobi

Wadayaasha mootada ama dhugdhugleyda ayaa walaac ka muujiyay amar shalay la soo saaray oo maanta dhaqangalay kaasi oo dowlada ismaamulka Nairobi ka soo baxay.
Waxaa ay dowladu ka dhawajisay in wadayaasha mootada aanan loo ogoleyn inay gudaha u galaan bartamaha magaala madaxda dalka.
Waxaa laga doonaya inay qof ay wadaan ay ku dejiyaan xaafada Ngara arrintaasi oo wadayaasha dhugdhugleyda ee xaafada islii ay sidatan uga hadleen.

Agaasimaha hawlgalada ee ismaamulka Nairobi Peter Mbaya ayaa ka dhawajiyay in xabsiga loo taxaabayo qofkii aanan amarkan ku hogaansamin.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in amarkaasi looga gol leeyahay in lala tacaalo falalka dhaqan xumada ah sida dhaca iyo boobka oo qaar ka mid ah wadayaasha mootada lagu eedeyo inay geystaan.
Mr.Mbaya ayaa sido kale xusay in tallabada ay qaaday dowlada ismaamulka Nairobi ay gacan ka geysaneysa in la fududeeyo cariiriga ka jiro bartamaha dalka.
Waxaa uu sheegay in macamiisha isticmaalo mootada laga qaadi karo Ngara, Uhuru Park iyo OTC.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *