Shir lagaga arinsanayay Qabyo qoraalka awoodaha oo ka furmay caasimadda soomaaliya ee Muqdisho

Shir lagaga arinsanayay qabyo qoraalka awoodaha hay’adaha cadaaladda ayaa ka furmay magaalada muqdisho ee caasimadda dalka soomaaliya, kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay wariiska cadaaladda jamhuuriyadda soomaaliya mudane xasan xuseen xaaji, xeer ilaaliyaha guud ee  jamhuuriyadda soomaaliya mudane axmed cali daahir, gudoomiyaha maxkamadda sare ee jamhuuriyadda soomaaliya mudane ibraahim iidle suleymaan, wasiir ku xigeenka jamhuuriyadda soomaaliya mudane xuseen cabdi cilmi iyo wasiirada cadaaladda maamul goboleedyada dalka.

Kulanka oo ahaa mid wadatashi ah ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa wasaaradda cadaaladda jamhuuriyadda soomaaliya, waxaana mudadii uu shirku socday warbixino ay soo jeediyeen lagaga dhageyste gudiga farsamada oo ku saabsaneyd awoodaha hay’adaha cadaaladda iyo shuruucda kala hageysa garsoorka iyo maxkamada dalka.

Wasiirka cadaaladda jamhuuriyadda soomaaliya ayaa sheegay in ay sameeyeen gudi farsamooo ka shaqeynaya sida ay noqoneyso qaabka cadaaladda dalka.

Ugu danbeyntii kulanka oo ay ka soo qaybgaleen wasiirada cadaaladda maamul goboleedyada dalka iyo wakiillo ka kala socday asluubta, maxkamadaha iyo cadaaladda ayaa laisku afgartay in la dardar galiyo talooyinka lasoo jeediyay ee wax ku oolka ah.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *