33 qof oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay magaalada Benghazi ee Liibiya

Waxaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay in ugu yaraan 33 ruux ay ku dhinteen laba weeraro oo ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaaalada ku taalo bariga Liibiya ee Benghazi.
Weerarada ayaa loo adeegsaday laba baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxyana ka dhaceen meel aan sidaa uga fogeyn masaajid ku yaalla magaaladaasi.
Waxaa qaraxyada ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah oo aanan la cayimin.
Ilaa iyo hadda ma jirta cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi balse afhayeen u hadlay dowladda Liibiya gaar ahaan dhanka bari ayaa sheegay inay ku eedynayaan Daacish.
Dhanka kale qarax xoggan ayaa saaka ka dhacay bannaanka xafiiska bay’adda caalamiga ee badbaadada caruurta ee Save the Children ee magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan.
Ilaa iyo hada ma jiro wax khasaaro rasmi ah oo la soo tabiyay oo dhacdadaasi ka dhashay iyo cid mas’uuliyadeeda sheegatay labaduba.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *