Jarmalka oo yaboohay inuu soomaaliya siinaya 32 Milyan oo Yuuro

Dowladda Jarmalka ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday balanqaadkeeda ah in lacag dhan 32 Milyan oo Euro ay ugu tala gashay Soomaaliya, si ay ugu taageerto shaqada kaabayaasha Soomaaliya.
Lacagtan ayaa Dowladda Soomaaliya loo soo marsiinayaa Bankiga Adduunka, gaar ahaan qeybta Jarmalka oo lagu magacaabo Multiple Partner Fund (MPF), taasi oo gacan ka geysanaysa xoojinta kartida si loo hagaajiyo helitaanka kaabayaasha aasaasiga ah ee Soomaaliya.
Madaxa Iskaashiga horumarinta Maalgashiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Jarmalka Marius Rau ayaa sheegay in sidoo kale lacagtan loogu tala galay ballarinta magaalooyinka, horumarinta xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta Soomaalida iyo arrimo kale.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo arrintan si kooban uga hadlay ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay u mahadcelineyso Jarmalka oo markale qaaday talaabo wanaagsan oo horumar u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *