Bishan gudaheeda oo la soo tabiyay 357 kiis oo ah xadgudubyada ka dhanka ah jinsiyada

Wasiirka wasaarada jinsiyada ee dalka Sicily Kariuki ayaa walaac xoogan ka muujisay falalka la xariira jinsiyada ee la geysanaya ee sara u sii kacaya.
Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in bishan janaayo gudaheeda oo keliya la soo tabiyay ugu yaraan 357 oo ah kiisaska ka dhanka ah jinsiyada.
Waxaa ay ka dhawajisay in tiradaasi bishii Disembar ee sanadkii hore ay ahayd 319 halka bishii ka sii horeysay ee Novembar ay gareen 235 .
Xadgudubyada ugu badan ee la soo tabiyo ayay ku sheegtay jir dil waxaana dhacdooyinkaasi badankoodu laga soo sheegay ismaamulada kala ah Nairobi ,Kiambu iyo Kakamega.
Intii u dhexeysay bilihii Novembar iyo bishan janaayo waxaa gudaha Nairobi laga geystay 222 kiis oo la xariira xadgudubyada jinsiyad salka ku haya.
134 tiradaasi dhibanayaasha ka mid ah waxay ahayeen haween, 47 gabdho ah, 11 rag ah iyo wiilal gaaraya 30.
Ismaamulka Kiambu , dhacdooyinkaasi ayaa gaaray 93 kiis oo 55 ka mid ah lagu dhibateeyay dumarka 16 gabdhood, 15 rag ah iyo wiilal dhan 7.
Dowlad degaanka Kakamega ayaa nambarka seddexaad soo galay waxayna ahayeen 57 kiis.
24 ka mid ah waxay ahayeen haween ,23 gabdhooda , 2 rag ah iyo 8 wiil.
Kiisaska ugu yar ee la xariira dhibaatooyinka dhex maro raga iyo haweenka ayaa laga soo tabiyay ismaamulada kala ah Lamu, Nyamira iyo Kericho .
Wasiirka jinsiyada ee dalka ayaa sheegtay in xadgudub kasta oo ka dhan ah jinsiyad gaar ah lagu soo gudbin karo nambarka ah 1195.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *