Maxkamada racfaanka ee Brazil oo ayiday eedeymo musuqmaasuqa oo ka dhan ahaa Luiz Inacio

Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Luiz Inacio ayaa laga mamnuucay inuu sanadkan ka qeyb galo doorashada dalkaasi ka dhaceysa kadib markii maxkamada racfaanka ay ayiday go’aan ahaa in mas’uulkan hore lagu caddeeyay falalka musuqmaasuqa. Ra’yi aruurin la sameeyay ayaa lagu sheegay in mas’uullkan uu u muuqdo mid ku guuleysanaya doorashada Brazil lagu wado inay ka dhacdo bisha tobnaad ee sanadkan. Luiz Inacio ayaa si adag isaga fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay. Waxaa uu carabka ku adkeeyay in eedeyntaasi ay tahay mid siyaasadeysan oo looga gol leeyahay in looga hor istaago inuu mar kale u tartamo qabashada talada dalkaasi. Go’aankan ayaa looga dhawaqay maxkmad ku taalo magaalada koonfureed ee Porto Alegre. Kumanaan ka mid ah tagerayaashiisa ayaa halkaasi isugu tagay iyagoo adeegsanaya boorar ay ku qorantahay in doorasho uusan ka qeyb gelin mas’uulkan ay khiyaano tahay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *