Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumada Federaalka soomaliya oo ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradiisa

Shir Jiraa’id uu xafiiska ku qabtaay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib dhiska iyo Gureynta Xukuumadda Soomaaliya injineer Saadaq Cabdulahi Cabdi ayaa ahaa mid uu ugu hadlayaay waxqabadka Wasaaradda mudada Sideeda bilood ee la soo dhaafay, isagona sheegaay iney waddaan qorshayaal lagu horumarinayo dhismiyaasha dalka.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska ayaa marka hore sheegay in mudada kooban ay xafiiska joogaan u qabsoomay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin tayeenyta iyo qiimeynta shaqaalaha sii loo ogaado iney qaban karaan mashaariicda waaweyn ee dalka
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dhiska Xukuumadda Soomaaliya Eng; Saadaq Cabdillaahi Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay in heer gaba gaabo ah maraayo dhameystirka Mashruuca dhismaha Muqisho iyo Afgooye,isagoo dhanka kale tilmaamay in dhawaan uu daahfurmi doona mashruucaas oo ka koobaan 23 kiilomitir oo ka bilabanayo E- control Afgooye ilaa iyo Carbiska.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *