Xukuumadda Myanmar oo ka jawaabtay hadal ka soo baxay Dublamaasi u dhashay dalka Mareykanka

Xukuumadda Myanmar ayaa ka jawaabtay hadal uu dhawaan kaga careeysiiye Dublamaasi u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Bill Richards ee hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi .
Dibloomaasigan ka soo jeeda wadanka Maraykanka Waxa uu ku eedeeyay Ms Suu Kyi, “in aysan lahayn damiir hogaamineed “.
Xukuumadda Myanmar oo ka jawaabtay hadalkiisa ayaa ugu baaqday in uu ka fiirsado “weerar shaqsiyadeed “.
Mr Richardson ayaa sheegay in Ms Suu Kyi ay si aad “uga carootay ” markii uu ku soo qaaday arrinta laba saxafi oo u shaqeeya wakaaladda wararka Reuters oo halkaasi lagu xiray.
Mr Richardson, oo ahaan jiray la taliyihii madaxwayne Clinton ayay muddo 10 sano ah aqoon isu lahaayeen Ms Suu Kyi , waxa uuna booqday mar ay xabsi guri ku jirtay 1990.
In ka badan 650,000 oo ah qaxootiga muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya ayaa u soo qaxay dalka Bangladesh sanadkii aanu soo dhaafnay.
Qaar badan oo ka mid ah qaxootigani ayaa imika ku nool xerooyiin ku yaalla dalka Bangladesh.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *