40 qof ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afgaanistaan

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay maanta bartamaha caasimada Afqanistaan ee magaalada Kabul sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen.
In ka badan 100 qof ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi waxaana loo qaaday isbitaalada magaalada Kabul
Qaraxa ayaa ka dhacay dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda , waxaa sidoo kale goobtaasi ku dhaw xafiisyada ururka midowga Yurub.
Kooxda Taliban ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka maanta ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afganistan.
Toddobaad ka hor kooxda Taaliban ayaa weerar ay ku qaadeen Huteel ku yaalla Kabul waxa ay ku dileen 22 qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *