DHAGEYSO Hogaamiyaasha Busia ee xisbiga Juble oo soo dhaweeyay magacaabista Ababu Namwamba

Hogaamiyaasha shaqaalaha ee xisbiga Jublee ee ismaamulka Busia ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha dalka xilka uu u magacaabay Ababu Namuwamba.
Xildhibaankii hore ee degaanka Budalang’i Ababu Namwamba aya loo mgacaabay xoghayaha ugu sareeya ee dhanka maamulka u qaabilsan wasaarada arrimaha dibada

Dhanka kale 6 haween ah ayaa ka soo dhex muuqday golaha wasiirada cusub ee uu shaly galinkii danbe magacaabay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Lixda haween ayaa ka mid ah 21 wasiir oo madaxweynuhu ku dhawaaqay.
Wasiirada haweenka ah ee uu soo magacaabay madaxweynaha dalka ayaa waxaa ay kala yihiin.
Monica Juma –Wasiirka wsaarada arimaha dibada
Sicily Kariuki – Wasiirka wasaarada caafimadka
Amina Mohammed – Wasiirka wasaarda waxbarashada
Margaret Kobia – Wasiirka wasaarada adeega dadweynaha
Racheal Omamo – Wasiirka wasaarada difaacada
Farida Karoney – Wasiirka wasaarada dhulka
Tani ayaa farxad galinaysa haweenka ku nool dalka waxaa ayna sare usii qaadeysa xuquuda haweenka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *