Dowlada Soomaaliya oo taageertay howlgalada Milatariga Turkiga ee dalka Suuriya

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in ay si weyn u taageersan tahay howlgalka dowladda Turkiga ay ka waddo gudaha dalka Siiriya gaar ahaan gobolka Afrin.
Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay taageersan tahay si walba oo ay suurtagal u tahay in looga hortaggo qataraha kusoo wajahan dal weynaha Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga dowladda Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay howlgalka ka dhanka ah Kooxaha Kurdiyiinta Suuriya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay “Waxaan taageersanahay howlgalada Milatari ee ay ciidamada Turkiga ka wadaan Afrin dowlada Soomaaliya waxay garab taagan tahay dowladda Turkiga”
Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq ay wadi doonaan ilaa bariga dalka Ciraaq.
Madaxwaynaha Erdogan oo ka hadlayay magaalada Ankara, ayaa ku celceliyay in ay ciidamadiisa u dhaqaaqi doonaan magaalada ay kurdiyiinta maamulaan ee Manbij, taasi oo dhalin karta in Mareykanka ay iska hor yimaadaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *