DHAGEYSO Taliska AMISOM ee Somaaliya oo ka hadlay guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al -shabaab

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee ku sugan soomaaliya jeneraal Cismaan Nuur Subagle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan xarakada Al -shabaab.
Jeneraalka ayaa sheegay in ay wadashaqeyn wanaagsan ka dhaxeyso Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in taasi ay suura galisay in Al- shabaab laga saaro inta badan dalka soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa soo hadal qaaday qorshaha Ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Soomaaliya isagoona qeexay in ay ka go,an tahay ka bixitaanka Soomaaliyaa marka amaanka guud ee dalkaasi ay ku wareejiyaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed taasi ay hada socoto qorshaheeda.

Waxaa uu taliyuhu dhanka kale baaqan u diray shacabka soomaaliyeed

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *