Dowlada Masar oo markii 11-aad kordhisay mudada uu xasbiga ku sii jirayo wariye ka tirsan Aljazeera

Dowlada Masar ayaa markii 11-aad kordhisay mudada xabsiga laga sii haynaya Maxamuud Xussein oo ka mid ah wariyaasha Aljazeera iyadoo ilaa iyo hada uu xiranyahay 403 maalmood.
Maxamuud Xussein oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Masar oo ka hawlgalayay Qadar ayay laamaha amaanka ee wadankaasi xireen 20-kii bishii Disembar ee sanadkii 2016-kii kadib markii uu safar ku tagay Qaahira.
Shan maalmood kadib markii xabsiga la dhigay wasaarada arrimaha gudaha ee Masar ayaa ku eedeysay inu tabiyay warar been abuur ah.
Sido kale waxaa lagu eedeyay in lacag la siiyay si uu dhaawac ugu geysto sumacadda qarankaasi.
Maalintii sabtida ee shalay ayay ahayd markii maamulada Masar ay 45 maalmood oo dheeraad ah ku kordhiyeen mudada uu xabsiga ku sii jiraya.
Warbaahinta Al Jazeera ayaa canbareysay xariga iyo mudadaasi loo kordhiyay wariyahaasi.
Aljazeera iyo suxufiga ka hawlgalo ayaa labaduba waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ay dowlada Masar soo jeedisay waxay warbaahintasi dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan si shuruud la’aan ah loo soo siidaayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *