Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo qeyb galay kulanka Baarlamaanka Nigeria

Wafdi uu hor kacayo guddoomiyaha Baaarlamaanka Puntland Axmed Cali xaashi ee ku sugan dalka Nigeria ayaa kulamo muhim ah kula yeeshay xarunta Baarlamaanka dalkaasi xubno ka kooban labada gole ee dalkaasi Nigeria ee kala ah baarlamaanka iyo aqalka sare.
Ujeedada kulamadaan dhexmaray Baarlamaanka Puntland iyo Baarlamaanka Nigeria ayaa ahaa aqoon is weydaarsi maadaama labada waddan ee Soomaaliya iyo Nigeria ay yihiin labo waddan oo ku shaqeeya hannaanka Federaalisimka.
Xog-hayaha guud ee Baarlamaanka Nigeria ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland uga warbixiyey sida ay u wada shaqeeyaan Baarlamaanka Qaranka Nigeria iyo Baarlamaanada maamullada gobollada dalkaasi, taas oo Puntland ay doonayso inay khibrad iyo waayo aragnimo xeeldheer ka dhaxasho.
Wafdiga Puntland ayaa ka qayb galay kulanka Aqalka sare ee dalkaasi oo ay ka socotay dood adag oo ku saabsan Miisaaniyadda Nigeriya .
Gudoomiyaha aqalka sare waxa uu madasha shirka kaga dhawaaqay in ay kulanka Baarlamaanka ka soo qayb galay wafdiga ka socda Baarlamaanka Puntland ee Soomaaliyeed si loogu istaago loona soo dhoweeyo.
Sidoo kale waftiga Baarlamaanka Puntland ayaa waxay ka qayb galeen kulankii caadiga ahaa ee golaha shacabka dalkaasi oo isagana ay ka socotay dood ku saabsan hannaanka horumarinta waddoonyinka iyo garoomada dalkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *