Madaxweynaha dalka oo sheegay in dowlada ay soo saartay tallabooyin lagula dagaalamayo argagixisada

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga qeyb galaya shirka 30-aad ee midowga Afrika ayaa ka dhawajiyay in dowlada ay soo saartay tallabooyin dhowr ah oo ku aadan la dagaalanka argagixisada.
Hoggaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa sheegay istaratiijooyinkaasi ay yihiin kuwo heer qaran iyo heer goboleed ah.
Magaalada Addis Ababa ee dalka Itobiya ayaa waxaa galinkii dambe ee shalay kulan ku yeeshay golaha nabada iyo amaanka ee midowga AU-da.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in dadaalada ay dowladu wado inay ka mid tahay in la soo dhiso xarunta qaran ee ka hor taga falalka argagixisada ee NCTC.
Xaruntan ayaa ka shaqeyn doonto sidii loo dhaqangelin lahaa xeerarka la xariira sugidda amniga.
Sido kale waxaa cafis loo fidinaya cid kasta oo isa soo dhiibta kana tanaasusha falalka kooxdii ay ka tirsaneyd.
Mr. Kenyatta ayaa madaxda kale ee qaarada Afrika ka codsaday inay xooga saraan sidii sara loogu sii qaadi lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa.
Waxaa uu madaxda Afrikaanka ugu baaqay in lagu dadaalo sidii xal loogu heli lahaa waxyaabaha keeno falalka amniga lid ku ah.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa dhankiisa soo dhaweyay dadaalka wadamada Afrika ay ugu jiraan la dagaalanka argagixisada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *