Nin xaaskiisa diley kadibna geed ka soo lalmiyay

Nin ka soo jeeda ismaamulka Bungoma ayaa Xaaskiisa dilay kadibna geed ka soo lalmiyay si uu u qariyo fal dambiyeedka uu geystay.
Ninkan oo lagu magacaabo Ben Wafula ayaa waxaa markiiba xiray booliska maamul gobaleedka Bungoma isagoo lagu eedeeyay in uu xaaskiisa qaarajiyey ka hor inta uusan ka soo lalminin geed guriga hortiisa kuyaalay.
Ben Wafula oo 46 jir ah ayaa looga shakisan yahay in uu dilay Sara Nyanyama, 37 jira ah jimcihii aynu soo dhaafnay, dilka ayaa waxaa sabababy kadib markii uu murun soo kala dhexgalay isaga iyo xaaskiisa.
Ben Wafula ayaa la soo xiray shalay oo sabti ahayd kadib markii xubno ka mid ah qoyskiisa oo helay meydka gabadhii uu dilay ay booliska ku wargaliyeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *